SDGs252
Sustainable Development in Somalia
SDGs 252 Platform
SDGs252 serves as an online platform promoting the Sustainable Development Goals (SDGs) in Somali language, the number one language of Somali people and the only widely spoken in Somalia. Established in 2018, the platform is inspired by a vision to deliver technology based and people driven solutions and awareness to the SDGs.
This platform has been established to serve as a sustainable development resource and knowledge-hub for ordinary Somalis to enhance their knowledge, create curiosity and interest that lead to sustainable development actions. The main objective of SDGs252 is to advocate for Sustainable Development Goals, localize the SDGs, teach the Global Goals, raise awareness and take actions towards the realization of the global agenda 2030 across Somalia.
Click each to see details
Ciribtirka Faqriga.
Ciribtirka faqriga ma aha shaqo sama-fal ah, waa ficil cadaaladeed oo muhiim u ah in daaha laga qaado awoodaha dahsoon ee baniiaadamka. Weli ku dhawaad laba qeybood qeyb kamid ah dadyowga caalamka ayaa faqri ku jira. Cunna iyo biyo yarida baahsanna waxaa u dhinta kumannaan qof maalin walba. Si wada jir ah ayaan u quudin karnaa midka baahan, si wada jir ah ayaan dadka caafimaad darada haysa dawo u siin, si wada jir ah ayaan qof walba oo dunida jooga u siin karnaa nolol barwaaqo ah oo hodannimo iyo wax soo saar leh.
gaajo la aan.
Gaajadu waa sababah ugu weyn ee dhimashada. Dhulka aan ku noolnahay waxuu Alle innoo saaray kheyraad tiro badan, balse sinnaansho la’aan la xiriirta helidda kheyraadkaas iyo maareyntiisa ayaa malaayiin qof ka dhigeyso kuwa cunno yari la ildaran. Haddii aan dhiirrigelinno tabac waara oo ay kaabeyso tiknoolojiyada casriga ah sidoo kalena la helo hab qeybsi toolmoon, waxaan awood u yeelaneynaa in aan quudinno dunida oo dhan. Waxaan sidoo kale gaareynaa in qof dunida jooga aanu gaajo u dhiman mar dambe.
Caafimaad iyo badqab.
15-kii sano ee ugu dambeysay, caruurta da’da yar ee dhimaneysa waa la yareeyay. Taasi waxaa ay ifafaallo cad u tahay in ay suuragal tahay in laga guuleysan karo cudur walba. Nasiib xusame waxaan weli lacag aan tiro-yareyn ku bixinnaa daaweynta cudurro si fudud looga hortagi karay. Yoolka cusub ee Caafimaad & Badqab waxaa uu dhiirigelinayaa nolol caafimaad leh, ka cabirro ka hortag iyo in qof walba uu helo adeeg caafimaad oo wax ku ool ah.
waxbarasho Tayo leh.
Waxbarashadu waxaa ay xor ka dhigtaa maanta, waxaa ay sii deysaa suureysiga waxyaalaha fog, waxaa ay aasaas u tahay is tixgelin. Waxaa ay fure u tahay barwaaqada iyadoo fursadaha albaabada u furta. Dhammaanteen waxaa ay innoo suuragelineysaa in aan ka qeybqaadanno dhisidda bulsho horay u socod ah oo badqabta. Raadinta cilmiga waxaa ay faaido u tahay aadanaha, qof walbana waa in uu helaa waxbarasho.
Sinnaanta xuquuqda jinsiga.
Eexda ku saleysan lab ama dhedignimada waxaa ay kamid tahay waxyaabaha hoos u dhigaya kobaca bulshooyinkeenna. Ma aha oo kaliya arrin la xiriirta xuquuqda aadanaha, waa wasaqeyn mug leh oo ku dhaceysa awoodda dadyowga caalamka. In la duudsiyo haweenka xaquuqda ay leeyihiin, waxaa ay lamid tahay in laba qeybood qeyb kamid ah dadyowga caalamka loo diiday in ay ku noolaadaan noloshii ay u qalmeen. Cadaalada dhaqaale, siyaasadeed iyo mid bulsho oo ay haweenka helaan waxaa ay faaido u tahay dhammaan dadyowga caalamka. Si wada jir ah ayaan u ciribtiri karnaa eexda oo waxaan ka shaqeyn karnaa in la helo sinnaan iyo is-xushmeyn laga wada mideysan yahay.
Biyo nadiif ah iyo Fayadhowr.
Sadexdii qofba qof ayaan la nool nadaafad la’aan. Arrintaasi waxaa ay horseeddaa cudurro iyo dhimasho laga waaqsan karay. Inkastoo shaqo adag laga qabtay sidii dadyowga caalamka u heli lahaayeen biyo nadiif ah balse dadaaladaasi oo dhan waxaa hoos u dhigaya nadaafad darada ka jirta meelo badan oo caalamka kamid ah. Haddii aan diyaarinno agab ka qeyb qaata nadaafadda oo la goyn karo, sidoo kalena aan baahinno waxbarashada iyo wacyigelinta nadaafadda waxaan si fudud ku joojin karnaa dhibaatada iyo waayitaanka nafaf badan.
Tamar nadiif ah oo la heli karo.
Tamarta la cusbooneysiin karo waxaa sii noqonayaan kuwa la jaban, leysku halleyn karo aadna waxgal u ah. Ku tiirsanaanta waqti xaadirkan aan ku tiirsannahay shidaalka ma aha xal sii waaraya, waxuuna qatar ku yahay dunida, waana sababta aan u dooneyno in aan wax ka badalno soo saarista iyo isticmaalka tamarta. In la fuliyo dhammaan xalalka tamareed ee la hayo aad ayey muhiim u tahay si looga hortago cimilada sii xumaaneysa oo kamid ah qataraha ugu waaweyn oo maanta ay dunida wajaheyso.
gaajo la aan.
Gaajadu waa sababah ugu weyn ee dhimashada. Dhulka aan ku noolnahay waxuu Alle innoo saaray kheyraad tiro badan, balse sinnaansho la’aan la xiriirta helidda kheyraadkaas iyo maareyntiisa ayaa malaayiin qof ka dhigeyso kuwa cunno yari la ildaran. Haddii aan dhiirrigelinno tabac waara oo ay kaabeyso tiknoolojiyada casriga ah sidoo kalena la helo hab qeybsi toolmoon, waxaan awood u yeelaneynaa in aan quudinno dunida oo dhan. Waxaan sidoo kale gaareynaa in qof dunida jooga aanu gaajo u dhiman mar dambe.
shaqo sharaf leh iyo dhaqaale kordha.
Kobaca dhaqaalaha waa in uu awood togan u noqodaa dundida oo dhan. Taasina waa sababta ay muhiimka u tahay in aan xaqiijino in hormarada maaliyadeed uu sababayo sare u kac iyo shaqooyin sharaf leh oo aan waxyeello gaarsiineyn deegaanka. Waxaa qasab nagu ah in aan ilaalino xuquuqda shaqaalaha oo aan joojinnaa gumeysiga casriga ah iyo shaqaaleysiinta caruurta. Haddii aan dhiirrigelinno shaqo abuurka iyadoo la baahinayo helitaanka adeegyo bangi iyo maaliyadeed, waxaan markaa xaqiijin karnaa in qof walba uu helo faaidooyinka hal-abuurka iyo curinta.
Warshado, curin iyo kaabayaal hagaagsan.
Kaabayaal adkeysi leh oo shaqeynaya ayaa ah aas-aaska bulsho walba oo guuleysata. Si looga gaashaanto caqabadaha mustaqbalka, warshadaheenna iyo kaabayaasha dhaqaalaha waa in sare loo qaadaa. Si arrintaasi u dhacdo, waxaan u baahanahay in aan dhiirrigelinno hal-abuurada waara ee casriga ah iyo in aan xaqiijinno sinaanshaha loo simanyahay xogta iyo suuqyada maaliyadeed. Taasi waxaa ay keeni doontaa barwaaqo, shaqo abuur iyo bulshooyin nolol wanaagsan ku nool.
Kala sareyn ta oo layareeyo.
Qeyb badan oo kamid ah hantida dunida waxaa ay gacanta ugu jirtaa dad yar. Taasi inta badan waxaa ay keentaa in kala sarreyn bulsho iyo maaliyadeed. Si loo wada bullaalo waa in la helaa sinnaan iyo hodantinimo loo wada simanyahay iyadoo aan la eegeyn midabka, jinsiga, diinta, aaminsanaanta iyo heerka dhaqaale ee qofka. Marka qof walba oo dunida jooga uu isku filnaado, dunida oo dhan waa ay isku filnaaneysaa.
Deegan iyo bulsho waarta.
Tiradada dadyowga ku nool caalamka waa ay sii kordhayaan. Si qof walba uu u helo hooy, waxaan u baahanahay in aan dhisno magaaloyin casri ah oo waqti badan jiri kara. Si dhammaanteen aan u bullaalno, waxaan u baahanahay qorsheyn deegaan oo maskaxeysan kuwaasoo abuuraya magaalooyin ammaan ah oo adkeysi leh hadane si wanaagsan loogu noolaan karo.
Quudasho iyo wax so saar maangal ah.
Dunida aynu ku nool nahay waxaa dulsaaran kheyraad dabiici ah oo aan tiro yareyn. Balse si maalgal ah ugama aynaan faaideysan, waxaana waqti xaadirkan quudanaa wax ka badan waxa ay deegaanka ina siin karo. Waxaa qasab ah in aan baranaa sido loo isticmaalo waxna looga soo saaro deegaanada si waarta oo dhibaatooyinkii aan deegaanka u geysanay baabi’inaya.
Cimiladda oo loo kaco.
Isbedelka cimilada waxaa ay qatar aan la dafiri karin ku tahay hormarkeenna oo dhan. Saameynteedana waa muuqataa waxaa ayna isku badali doontaa musiibo weyn haddii aanan talaabo qaadin waqti xaadirkan. Innagoo u mareyna waxbarashada, hal-abuurka iyo in aan ku dhaganaano balan qaadyada la xiriira cimilada waa in aan sameynaa isbadalada loo baahanyahay si aan u ilaalinno deegaanka. Isbedeladaasi waxaa ay fursado noo siinayaan in aan casriyeyno kaabayaasheenna kuwaasoo abuuri doona fursado shaqo iyo nolol wanaagsan.
Nolol biyaha hoos tooda ah
Bado iyo xeebo badqaba waxaa ay muhiim u yihiin jiritaankeenna. Waxaa ay daboolaan 70% dhulka aynu ku noolnahay, sidoo kalena waan ku tiirsanahay cunno ahaan, tamar ahaan ama biyo ahaanba. Hadane kheyraadkaas qaaliga ah waxaan u geysannaa dhaawac xooggan. Waa in aan ilaalinnaa inagoo yareyneyna wasaqeyntooda, kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo in aan bilowno in aan si wanaagsan u mareyno kheyraadka badda iyo noolayaasha ku jira.
Nolol dhulka dushiisa ah.
Nolol barwaaqo ah oo dhulka dushiisa ah ayaa aas-aas u ah nolosha dunidan aynu ku noolnahay. Dhammaanteen waxaan kamid nahay noolaha ku nool dhulka dushiisa, hadane waxaan sababnaa dhaibaatooyin deegaaneed oo ay kamid tahay jarista geedaha, sumeynta noolayaasha iyo wasaqeynta deegaanada. In la dhiirrigeliyo hormarinta in si joogto ah oo badqabta looga faaideysto deegaanka sidoo kalena la ilaaliyo noolayaasha kala duwan waxaa ay muhiim u tahay in aan noolaado.
Nolol cadaalad iyo hay'ado
Isu-naxariisasho iyo anshax wanaag waxaa ay muhiim u yihiin bulshooyinka oo idin. Iyadoo ay sidaa jirto ayaa hadane weli waxaa bulshooyinka ka dhex jira jirdil, cadaalad darro iyo takri-fal kuwaasoo wiiqaya ilbaxnimada bulshooyinka. Waxaa qasab inagu ah in aan xaqiijinno jiritaanka hay’ado xooggan, nidaamyo caalami ah oo cadaaladeed iyo in la helo ka go’aansho nabadeed meel walba.
Yoolasha oo la mideeyo.
Yoolasha Dunida 2030 waxaan ku gaari karnaa oo kaliya innagoo wada shaqeynna. Maalgashiyo iyo taageerro caalami ah ayaa loo baahanyhay si loo xaqiijiyo hormar tiknoolojiyadeed, ganacsi xor ah iyo suuqyo la gaari karo. Si aan u dhisno duni wanaagsan, waxaan u baahanahay in aan noqono dad iscaawiya, iskaalmeeya, wax hindisa, rabitaan ka buuxa oo hadane wada shaqeeya.
The war-stricken Somalia is rising from the ashes of civil war, embracing economic and political reforms and the country is re-connecting to the global stage. Yet, there is shortage of knowledge and awareness on the universally accepted SDGs among youth and the people of Somalia, this eventually has severe negative implications for the attainment of the Sustainable Development Goals in Somalia. To address that grievous issue, Rays Initiative started this online SDGs252 platform, translated all the Global Goals in Somali language and made it accessible to all to raise SDGs awareness and contribute to its attainment in Somalia and the region.
get in touch
Contact Info
- Tel.: +44 123 456789
- Email: info@yourexample.com